Safiirka Mareykanka oo hal arrin uga baaqday kulanka Farmaajo & Beesha Caalamka

Safiirka Mareykanka Danjire Yamamoto ayaa qeyb ka aheyn Wakiilada Beesha Caaalamka ee ku sugan Madaxtooyada Villa Somalia, maadaama Diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleen inay ka baxaan xeyndaabka garoonka Muqdisho.

Yamamoto wuxuu horay Garoonka Muqdisho iyo Xarunta Safaaradda Mareykanka ugu qaabilay Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Musharaxiinta.

Mas’uul walba oo ka socda Mareykanka waxay Madaxda ugu tagaan Garoonka Muqdisho, waana arrinta ay uga duwan yihiin Diblomaasiyiinta kale ee Caalamiga ah fadhigooda yahay Xalane oo iyaga xarumaha dowladda taga.