Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka ka dhacay Muqdisho

Ururka Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik kaas oo sababay dhimasho & dhaawac.

Bannaanka hotelka waxaa difaac uga jira ciidamo ka tirsan kuwa dowlada halka rag shabaab katirsana ay gudaha ka dhex dagaalamayaan.

Saraakiil ay kamid yihiin Janeraal Indha-cadde iyo Janeraal Galaal ayaa Ciidmada kasoo badbaadiyeen Gudaha Hotelka oo weli rasaas laga maqlay.

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac farabadan oo weerarka ka dhashay, waxaana dadka dhaawacmay kujira Wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Guutada Saddexaad Janeraal Goobaale oo horay qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay.