Ciidanka Dowladda oo soo afjaray weerarkii Hotelka Afriik

Ciidanka Boliska Gaarka ah ee Haramcad ee DFS ayaa soo afjaray weerarkii saacadaha qaatay ee lagu qaaday Afrik Hotel.

Qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo tabinayaa inkastoo aan wali la xaqiijin. Waxaa goobta laga soo badbaadiyay saraakiil sarsare, dad shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Nuure Siyaad oo la dhashay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaasad , Askar iyo mas’uuliyiin kale oo Hotelka ku sugnaa.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in xilliga uu weerarka dhacayay Gudaha Hotelka ay ku shireen Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka arrin sanayay dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun.