Duqeymo diyaaradeed oo markale ka dhacay Gobolka Bakool

Duqeymo diyaaradeed ayaa xalay waxaa ay markale ka dhaceen degaano ka tirsan gobolka Bakool, kaas oo lala beegsaday Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeymaha oo dhinaca cirka ahaa ayaa waxaa ay ka dhaceen degaannada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo Dhamaan tood ka tirsan Gobolka Bakool.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymahaas lagu dilay Saraakiil iyo Xubno oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in duqeymahaas ay qeyb ka yihiin sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab.

Habeen ka hor ayay aheyd markii degaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool duqeymo diyaradeed ay ka dhaceen, iyada oo koonfur Galbeed ay sheegtay in duqeymahaas lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Degmooyinka Gobolka Bakool ayaa waxaa muddo dhowr sano ah ay u go’doonsan yihiin Ururka Al-Shabab, waxaana taasi ay keentay inay dhibaatooyin culus soo wajahaan dadka ku nool Gobolkaas.