Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis swan, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Madaxwayne ku-xigeenka  Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaamaanta Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeelgaarka ah ee Jubbaland kusoo dhaweeyay wafdiga Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Jubbaland ayaa waxaa safarkoodu uu daaran yahay Arrimaha Doorashooyinka, Ammaanka iyo Siyaasadda.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa horay u tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Garoowe iyo Jowhar, isaga oo la kulmay Madaxweynayaasha saddexda dowlad Goboleed, isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan, ayaa kamid ahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo, taas oo keentay in Madaxweynaha uu shir isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka.