Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee maamul goboleedyada oo tegay Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray Dhuusamareeb, wuxuuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu horeeyey ee tega magaaladaasi.
Lafta Gareen waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey dhiggiisa dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee ka dhacaya magaaladaasi, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya.
Shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.