Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Dhuusamareeb+Sawirro

Ilaalada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay berri gaaraan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka furmi doono shirka madaxda Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Galabta waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray, Madaxweyne Farmaajo , Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Mafaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.