Kooxo hubeysan oo weeraray Guriga Guddoomiyaha degmada Deeyniile

Koox ku hubeysan Bistoolado ayaa weerartay guriga gudoomiyaha degmada Deyniile ee ku yaalle degmada Howl-wadaag ee Muqdisho .

Dad goobjoogayaal ah ayaa oo aan la hadlay ayaa iisheegay in kooxda caawa weeratay guriga gudoomiye Jacfar ay toogteen mid kamid ilaalada guriga gudoomiyaha,kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray Guriga Guddoomiyaha degmada Deeyniile,  iyaga oo halkaasi ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.