Meydka Janeraal Galaal oo la Aasay iyo Madax ka qeyb gashay

Allaha u naxariisto waxaa goordhow Guriceel lagu aasey Marxuum-Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii shaley ku Shahiidey weerarkii Argagaxisadu ku qaadeen hotelka Afrik ee Muqdisho.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb galey Saraakiisha Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Masuuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed isugu jirta iyo ehelada marxuumka oo kawada murugoodey geeridiisa.

Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta iyo qiimaha badnaa ciidanka xoogga dalka. Isagoo ah taliyihii qeybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo hogaamiyihii Gaaskii loo yiqiinnay Gaba-Gabeeye wuxuu Galaal ahaa ninkii Itoobiya ka qabsaday Dirirdhabe, dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977.