Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble kusoo Madaxweyne Qoor Qoor kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo xubno ka tirsa labada Gole ee Maamulka Galmudug.

Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha k gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.