RW Rooble oo hortagaya Baarlamaanka hal arrina u gudbinaya

Ra’iisal Wasaaraha  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 9-ka bishan xukuumadiisu Baarlamaanka horgeyneyso Warbixinta guud ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaaliya oo saddex bilood jirsatay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka horgenayo 9-ka Bishaan oo ku beegan Maalin talaado ah waxyaabihii u qabsoomay.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed inay ka feejignadaana cadawga Gudaha iyo kan dibadda isku meelna ay uga soo wda jeestaan.

17-kii Bishii Setember ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 ayaa waxaa Maxamed Xuseen Rooble loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana Baarlamaanka ay ansixiyeen 23-kii isla Bishii Setember ee isla sanadka 2020.

Ra’iisal Wasaaraha  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadal uu u jeediyay Golaha Shacabka ka hor ansixintiisii waxaa uu balan qaaday in uu waxka qaban doono 8 qodob, kuwaas oo kala ah

1: Arrimaha Amniga

2:  Doorasooyinka

3:  horumarinta dhaqaalaha

4: Cadaaladda

5: Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa

6: Dib u eegista Dastuurka

7:  Dhab u heshiisiinta

8:Iiskaashiga Caalamiga ah.