RW Rooble oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo Shaqeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa Cciidanka xoogga dalka.

“Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo”.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaallanka Al-Shabaab oo uu sheegay in maalin kasta leynayaan haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diiddan nabadda iyo horumarka.

Weerarkii Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad isugu jira, Mas’uulyiin, Ganacsato, Askar iyo dad Shacab ah oo xilliga uu weerarka dhacayay ku sugnaa Gudaha iyo banaanka Hotelka.