Madaxweynaha Puntland oo Safar dhulka ah ku tegay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Galmudug.

Deni ayaa marka hore safar dhinaca codka ah ku tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana intaasi kadib uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay Dhuusamareeb, waxaana uu ka qeyb geli doonaa Shirka Magaalada Dhuusamareeb.