Beesha Caalamka oo War kasoo saaray Shirka Dhuusamareeb

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay wada hadalada socdo ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowad Goboleedyada ee ka socda Dhuusamareeb, waxaana ay ku booriyeen ka qeyb galayaasha inay sii wadaan wada xaajoodka.

“Waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is wada-ogol, si loo hirgeliyo heshiiskii 17 September ee doorashooyinka”ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay Twitterka UNSOM.

Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka duwan shirarkii hore, waxaana qorshuhu yahay in lagu dhaxeeyo khilaafka ka jira doorashooyinka dalka Soomaaliya.