Ciidamo ka tirsan kuwa Wasiir Janan oo dowladda oo isku dhiibay+ Sawirro

 

Taliska hay’adda Nabadsugidda degmada Beled-xaawo ayaa waxaa la sheegay in saakay ay isku dhiibeen dhowr iyo toban ka mid ah Ciidamada Wasiirka Amniga Jubbaland, kuwaas oo horay weerar ugu soo qaday degmadaas.

Ciidamadaan ayaa muddo dheer waxaa ay ku sugnaayeen duleedka Magaalada Mandera gaar ahaan halka loo yaqaanaa Beerta Sheekh Yuunis Diimaa.

Taliyaha Nabadsugidda degmada Beled-xaawo ayaa ssoo dhaweeyay, waxaana qaarkood oo hadlay ay sheegeen inay garteen inay qaldanaayeen oo loo isticmaalaayay hadaf qaldan oo ah inay dalkooda Burburiyaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Cali Jubba ayaa sheegay in gacma furan lagu soo dhaweyn doono qof kasta oo garta inuu dalkiisa dib ugu soo laabto kana tanaasulo fikirka ah u adeegida shisheeyaha waa sida uu hadalka u dhigay.