Dagaal ka dhacay Magaalada Beledweyne

Dagaal ayaa saakay aroortii ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyo ciidanka maamulka HirShabeelle iyo kuwa Janaraal Xuud.

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah waxaana hada istaagay dagaalkii u dhaxeeyay labada dhinac.

Doorasho muran ka taagan yahay ayaa dhowaan lagu qabtay Jowhar, taas oo sababta in Jabhad kasoo baxday Magaalada Beledweyne ay dagaal kala horyimaadaan Maamulka Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle.