Dowladda oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Xuud

Taliye Kuxigeenka Qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya Janeral Saalax Yaaquub oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Magaalada Baladweyne ayaa faahfaahin ka bixyay dagaal Culus oo Saaka kadhacay Magaalada.

Waxaa uu sheegay Janeraalka in maleeshiyaad uu watay Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle uu soo weeraray Magaalada Beledweyne,  hayeeshee laamaha Amniga ay ka hortageen, isla markaana ay ku raadjooga.

Taliye kuxigeenka waxaa uu sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin weerarada maleeshiyaadka uu wato Janeraal Xuud, isaga oo u  diray Fariin adag oo ah in uu joojiyo weerarada Magaalada.

Ugu dambeyn Taliye Kuxigeenka Qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya Janeral Saalax Yaaquub ayaa waxaa uu sheegay in Janeraal Xuud uusan waxba ka duwaneyn Al-Shabaab , isla markaana la dagaalami doonaan.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaadka Janeraal Xuud ay ka careysan yuhiin 6 Ruux oo ku xiran Xarun ay Beledweyne ku leeyihiin Taliska Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya.