Ganacsato farabadan oo lagu xir xiray Magaalada Boosaaso

Ciidamada ammaanka Puntland gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgalla Gobolka Bari ayaa waxaa ay Ganacato farabadan ku xir xireen magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa sigaar ah u beegsaday sariflayaasha Magaalada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qiima saa’id ah ama badan ay ku sarrifayeen Lacagta Dollar, isla markaana ay gudbiyeen dadka Shacabka ah.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Bari , ayaa sheegay inay Xabsiga dhigeen qaar badan oo kamid ah Sarrriflayaasha magaalada Boosaaso, kuwaas oo ka dhega adeegay awaamiirta Madaxda Puntland, isla markaana waday tallaabo dhalin karta sicir barar.

Shalay ayaa maaglooyin badna oo ka tirsan Puntland waxaa lagu daadiyay Ciidamo farabadan, kuwaas oo la socday dhaq dhaqaaqyada suuqyada si ay u ogaadaan dadka diidan isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga.

Caqabada koobaad ee xilligan kajirta degaannada Puntland ayaa waxaa ay tahay diidmada lacagta shillin Soomaliga, waxaana Madaxda puntlnad ay wadaan qorshooyin ay uga hortagayaan diidmada Shillin Soomaaliga.