Meydka Darawal Gaari oo laga helay duleedka Magalada muqdisho

Nin darawal ah oo safar u ahaa degaanka Ceelasha Biyaha ee Muqdisho ayaa saakay isagoo meyd ah lagu dhax arkay gaari uu lahaa, kaas oo Baakinaa halka uu ku dhamaado dhismaha laamiga Dayniile.

Rasaas ayaa jirkiisa ka muuqato Marxuumka waxaana magaciisa lagu sheegay Cali Ayaanle Abti-doon Raage, lamana oga dadkii falkaas ka dambeeyay balse waxaa la aaminsan yahay in falkaan xalay dhacay xili goor dambe ah.

Gaariga marxuumka ayaa la baartay waxaana laga qaatay wixii uu watay, sida Mobeelkiisa. Waxa uu ahaa nin darawal taksiile ah sida ay ii sheegeen xubno kamid ah qoyskiisa.