DEG DEG: Bakhaarkii hubka Hotel Peace ee Muqdisho oo gubtay

Faah faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab goordhow ka kacay qeyb ka mid ah Hotelka Peace oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay qolka keydka hubka ee Hotelkan oo ay dagan tahay hay’ad ka shaqeysa arrimaha ammaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga waxa sababay dabkan khasaaraha dhaliyey, balse waxaa goor damb lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi.