DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Magaalada Muqdishobayaa waxaa uu  ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Muqdisho, dhanka wadada loo yaqaan 15-May.

Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca aan xabada karin oo wadada maraayay, waxaan qaraxa kadib la maqlay rasaas aan badneyn.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka si loo ogaado cidda lala beegsaday qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.