DFS oo sheegtay in dowladdo shisheeye uu ka socon waayay Shirka Dhuusamareeb

Iyada oo xalay uu natiijo la’an kusoo dhamaaday shirkii Magaalada Dhuusamareeb uga socday Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa fashilka shirka waxaa dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inay ka dambeeyaan dowlado shisheye.

Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in sababaha shirka uusan ga soo bixin wax natiijo ah ay tahay, kadib markii qodobada qaar uu ka socon waayay dhinaca Maamulka Jubbaland.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada dhuusamareeb ayaa dhinaca kale sheegay in shirka sidoo kale uu ka socon waayay dowladdo shisheeye oo uu sheegay in aysan dooneyn  in doorasho ka dhacdo Soomaaliya wallow uusan shacin dowladahaas uu ku eedeeyay fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb.

Hadalka Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya