Ururada Bulshada Rayidka oo qoraal digniin ah soo saaray

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac darran ka muujiyay Shirki Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir uga socday Magaalada Dhuusamareeb oo markii dambe lagu kala tegay.

Qoraal kasoo baxay Bulshada Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaas uu ahaa fursad muhiim ah oo loo baahnaa, isla markaana heshiis looga gaari karay caqabadaha ku hor gudban doorashooyinka dalka, sidoo kalena xasilooni siyaasadeed dhalin karay.

Bulshada Rayidka ayaa sheegtay in marar badan Madaxda dowladda, maamul Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir la wadaageen tallooyin ku aadan sida la isugu fahmi karo caqabadaha heysta fulinta heshiiskii 17-kii September laga gaaray doorashada.

Sidoo kale Bulshada Rayidka ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ugu baaqay in aysan ku dhaqaaqin tallaabooyin sii kala fogeyn kara Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee shirkooda kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ka dalbaday in aysan go’aamin go’aan hal dhinac ah, taasi oo ay sheegeen Bulshada Rayidka inay waxyeeleyneyso geedi socodka dowlad dhiska iyo nabadda.

Qoraalka Ururada Bulshada Rayidka ayaa la soo saaray intii uu socday Shirkii Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada, kaasi oo lagu kala tegay, kadib markii heshiis rasmi ah laga gaari waayay qodobo uu ka taagnaa khilaafka doorashada dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Ururada Bulshada Rayidka.