Wariyeyasha oo loo diiday tebinta kulanka uu hortagayo Madaxweyne Farmaajo

Wariyaasha Madaxa Bannaan oo doonayay in ay soo tabiyaan waxa ka dhacaya Maanta xarunta Golaha shacabka ayaa loo diiday in galaan Golaha Shacabka.

Wariyaasha oo wata qalabkooda ayaa hor dhooban Bannaanka madaxtooyada, iyaga oo sugaya in gudaha loo fasaxo, waxaana weli magaalada muqdisho soo gaarain diyaarada Dhuusamareeb Madaxweyne Farmaajo kasoo qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xildhibaannada u jeedin  doono khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka iyo doorashooyinka, halka warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu muddo kordhin ka codsan doono Baarlamaanka.