XOG: Beesha Caalamka oo soo faragelisay fashilka ku yimid Shirka Dhuusamareeb

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo xubnaha beesha Caalamka ayaa soo faragaliyay khilaafka baahsan ee sababay in uu fashil ku dhamaado shirkii Magaalada Dhuusmareeb.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa mid mid ula hadlay Madaxweyne farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada & guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si aan marnaba looga soo tegin Dhuusamareeb, iyada oo aan heshiis la gaarin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb si uu u hortago Baarlamaanka labada aqal oo uu kulanka isugu yeeray, wallow uu ku baaqay in shir kale la isugu yimaado.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa haatan meel xasaasi ah mareysa, waxaana weli wax heshiis ah laga gaarin  arrinaha doorashooyinka dalka maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda oo gebo-gabo yahay.