Carruur ku geeriyootay Madaafiic ay rideen Ciidamo ka tirsan AMISOM

Inta la xaqiijiyay laba Carruur ah ayaa geeriyootay halka saddex kale oo ay ku jirto hooyadood ay ku dhaawacmeen, kadib markii sida la sheegay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay madaafiic ku garaceen Tuulada Mishaani oo hoostagta Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose..

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen ilaa dhowr madfac ay ku dhaceen tuulada, hayeeshee qoyskaan uu gurigooda ku dhacay mid kamid ah madaafiicdii ay tuulada kusoo rideen Ciidamada AMISOM.

Dadka Tuulada Mishaani ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay xalay ka warheleen jugta iyo madaafiicta kusoo dhaceysa tuulada ee ka imaanayay dhanka Xerada Ciidamada AMISOM, balse aysan garaneyn sababta ka dambeeysa.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin madaafiicdaas lagu eedeeyay Ciidanka AMISOM inay ku garaaceen tuulo ay degan yihiin dad rayid ah.

Mararka qaar Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic waxaa ay uga jawaabaan weeraro ay kala kulman Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana madaafiicdaas ku waxyeelooba dad Shacab ah.