Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho keentay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo

Garoonka Diyaaradaha Ee Degmada Dolow Somaliya Ayaa Dowlada Fadaraalka Somaliya Ka Qaaday, Dhamaan Maxabiistii Lagu Qabtay Dagaalkii Degmada Baladxaawo, Iyo Kuwii Iskood Isugu Soo Dhiibay Ciidamada Dowlada

Maxaabiistaan oo dhamaantood ah kuwo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland Ciidamada waxaa la keenay Magaalada Muqdisho, iyada oo Dowladda Soomaaliya Goob gaar ah ay geysay.

Wararka horudhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Dhamantood Ciidamada ay Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in la qarameeyo oo lagu daro  Ciidamada Dowladda Soomaaliya.