Xogo Cusub oo laga helay kulankii Beesha Caalamka & Madaxda Dowlad Goboleedyada

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxda dowlad goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.
Kulanka oo ahaa mid hab maqal iyo muuqaal ah ayaa waxa ka qeyb-galay madaxda maamullada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo haatan ku wada sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.
Sidoo kale waxaa shirkan oo diirada lagu saaray marxaladda kala guurka ah ka maqnaa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.
Sida ay wararku sheegayaan waxaa la filayaa in markale la qabto shirweyne ay garwadeen ka tahay beesha caalamka oo xal loogu raadinayo doorashooyinka 2021-ka.
Xaaladd dalka ayaa xilligan ah mid aad u cakiran, waxaana dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha, iyada oo sidoo kale lagu heshiin waayey hannaanka doorashada dalka.