Ciidamada Haramacad oo Saddex Ruux xabsiga dhigay

Illa 3 ruux oo ka mid ah dadka degan xafadda xaawo-tako ayay ciidamada haramcad ay ka qabteen xafadda nuur-xawaad isla markana ay xireen,lama sheegin sababaha keenay xariga sadexdan ruux.

Muddo ka badan laba isbuuc ayaa illa 7 ruux oo sadex ka mid ah ay yihin dumar waxaa ay ku xiran yihiin xaruunta nabad sugida beledweyne kuwaas oo anaan weli hellin wax cadalad ah.

Tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa jiray qalalaaso ka taagan Magaalada Beledweyne taas oo sababtay in dad badan la xir xiro.