Farmaajo & Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah yeeshay

Madaxweynaha mudada xilheyntiisa at dhamaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Caawa kulan xasaasi ah waxaa ay ku yeesheen Xarunta Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku saabsanaa xaaladaha dalka iyo sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd maadaama la guda galayo waqti doorasho.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha ku adkeeyay Guddoonka in kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha hortagayo laga aqbalo dalabkiisa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal ugu jira in waqti dheeraad ah oo gaareysa laba sano loogu kordhiyo maadaama uu waqtiga ka dhamaaday.