Khilaaf soo kala dhexgalay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kan Beledweyne

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo uu u jeediyay Eedeyn ay kamid tahay in uu isbaaro dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa dhankiisa sheegay in uusan Shaqo ka joojin karin Guddomiyaha gobolka, isaga oo dhankiisa u jeediyay Eedeyn kala duwan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in khilaafka uu salka ku haayo xil ka qaadis lagu sameeyay Guddomiyaasha xaafadaha Beledweyne.