Kulan u socdo Xildhibaano mucaarad ah & Midowga Musharixiinta

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka la helay ay sheegayaan inay ka arinsanayaan arrin soo korortay oo ah qorsho uu Ra’iisul Wasaare Rooble doonayo in uu horkeeno Kulanka Beri ee Golaha Shacabka.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble berri marka Baarlmaanka hor yimaado uu soo jeedin doono Xukuumadda in lagu laabto hannaankii doorashada hal deegaan doorasho iyo liiska xiran (Single Constituency iyo Close Lista) si loo qabto doorasho qof iyo cod, waxaana ku lifaaqan codsi muddo kordhin labo sano ah.

Xildhibaannada mucaaradka iyo Midowga Musharixiinta ayaa wada qorsho ka dhan ah in Ra’iisul Wasaaraha uu Beri horshahaas horgeeyo Baarlamaanka maadaama muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhamaaday.