Maxay ka wada hadleen Beesha Caalamka & Ururada bulshada rayidka ?

Beesha Caalamka ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulan ay xubnaha ugu sareeya saacadihii lasoo dhaafay la qaateen, madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Kulankaas ayaa wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada rayidka ah ku dhex maray qadka internet-ka, waxaana aragtiyadooda ku aadan xaaladda dalka looga dhageystay xubnihii ku metelayey bulshada Soomaaliyeed.

“Wakiillada saaxibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta kulan miro dhal ah oo khadka Internet-ka ah la yeeshay kooxaha bulshada rayidka ah, iyagoo dhagaystay aragtiyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha xilligan saameynta ku leh Soomaalida, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga UNSOM