Booliska Beledweyne oo soo badbaadiyay Cunug yar oo la afduubtay

Ciidanka booliska Magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan cunug yar oo laga afduubtay mid ka mid ah Xaafaddaha Magaalada Beledweyne.

Kooxda Afduubatay cunuga yar ayaa waalidiinta dhalay soo weydiistay lacag madax furasho ah si ay ugu soo daayaan.

Gudoomiye kuxigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey ayaa kaga mahadceliyay  laamaha amaanka Baladweyne oo gacanta  kusoo dhigay cunugyar oo lagu aftuubtay xaafada howladaag kadibna lacaga madaxa furasha ah la soo weydiiyay waalidkii dhalay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeeyay, islamarkaana baaritaano deg deg ah lagu sameyn doono.

Gudoomiye Abuukar ayaa booliska ku  boogaadiyay si durbadiiba ay falkaan kaga  hortegeen.