Odayaasha Dhaqanka Beledweyne & Ciidamada Haramcad oo Hal arrin ka shiray

Kulan u dhaxeeya Saraakiil ka socota Ciidamada Haramcad, Millatiriga iyo Odayaasha dhaqanka ayaa hatan ka Socda xaafaada Nuurxawaad magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulaan ayey odayaasha dhaqanka wexey kala hadlayaan sidii looga wada shaqeeyn lahaa Ammaanka Xaafada Nuurxawaad ee magaalada Beledweyne.

Kulankan ayaa kusoo aadaya Xilli maalmihii ugu dambeeyey dad dagan xaafadda Nuurxawad ay Xir-xireen Ciidamada Haramcad ee dowlada Soomaaliya keentay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Odayaasha dhaqanka ayaa walaac ka muujiyey sida ay Ciidamada ula dhaqmayaan dadka shacabka ah ee dagan Xaafadda nuur-xawaad magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.