Booliska oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay meel u dhow Isgoyska Sayidka ee  Magaalada muqdisho.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Booliska Somaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in gaari NOHA ah oo xoog kusoo maray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka uu ku qarxay Koontoroola Sayidka.

Sidoo kale Booliska waxaa ay sheegeen in qaraxaas ay ku dhaawacmeen 7 Ruux iyo burburka Gaadiid kala duwan sida 8 Gaadiidka yar yar ah iyo 9 Mooto Bajaaj, isla markaana uusan jirin khasaaro dhimasho ah.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.