Meydadka Afar Ruux oo la helay & xog cusub oo laga helay

Maydka 4 Qof oo dhalinyaro ah ayaa lagu arkay Xaafada Ramadaan ee deegaanka Ceelasha Biyaha kuwaas oo sida dadka degaanku sheegeen indhaha kawada xirnaa.
Lama aqoonsan dhalinyaradaas ilaa & hadda . Sidoo kale gacmaha ayay uga xirnaayeen qaab garba duub ah waxaana la dhigayay maydkooda meel u dhow qabuure xaafadaas ku dhexyaallla oo lagu magacaabo (Qabuuraha Shiikhaasha).
Saddex kamid ah maydadkan waxaa ka muuqday jirkooda rasaas halka qofka 4-Aad lagu arkay qaybaha dambe ee jirkiisa qalliin.
Shalay ayay ahayd markii aan idinla wadaagay muuqaalka wiil dhalinyaro ah oo maydkiisa la soo dhigay xaafafa Alxayaat ee isla dulleedka Muqdisho.