Xiisad Caawa ka taagan degmada Guriceel

Xiisad Ka Taagan Saldhiga booliska Guriceel ka dib markii Nin ay soo Xireen Ciidanka booliska uu usoo gurmaday walaalkiis oo ciidanka milateriga ka tirsan.

Ciidamada booliska Guriceel ee uu hogaamiyo Taliye Cismaan Cali Hudey ayaa xiray nin Shacab ah oo ay dambi ku haystaan sida ay sheegeen balse waxaa ninka usoo Gurmaday Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya qaasatan Ciidankii kasoo baxay Matabaan.

Askariga oo saldhiga booliska tagay  ayaa taliye Hudey ka dalbaday in uu walaalkiis u siidaayo hasayeeshee waxaa arinkaa ku gacan sayray Taliyaha Booliska Guriceel.

Ciidamo Milateri ah ayaa isku hareereeyay intaas ka dib saldhiga booliska Guriceel waxaana laga cabsi qabaa in Xiisada arintaan ka dhalatay ay Cirka isku shareerto.