Cumar Filish oo Amar deg deg ah siiyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) oo kulan Gaar ah la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banadir ayaa faray in si deg deg ah dib loogu bilaabo ololaha Wacyigelinta Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo dalka dib ugu Soo laabtay.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jaketti) Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Dr Maxamed Cadow iyo Taliyaha Ilaalada Ciidanka Deeganka Xamar.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kiisas Cusub oo Cudurka Coronavirus ah laga helay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah degaannada dowlad Goboleedyada oo ay kamid tahay Somaliland