Guddoomiye Cuusb oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, kadib markii la dilay guddoomihii degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska duqa muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Hodan loogu Magacaabay Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Cabdi Fitaax Ciise, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Dhagajuun.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi kariin Dhagajuun ayaa xilli habeen ah waxaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dileen wadada loo yaqaan Jid mareexaan, kadib markii gaarigii uu saarnaa ay rasaaseeyeen.