Kooxo hubeysan oo laba Haween ah ku dilay Muqdisho

Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu saaka ka dhacay xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile, waxaana la dilay laba haween ah halka laba kale loo geystay dhaawac culus.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday haweenka oo Afar ahaa xilli ay raacayeen mooto Bajaaj kuna sii jeedeen goob ay ka Shaqeeyaan, iyada oo kooxihii falkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada Haweenka ah ee geeriyooday ay xaamilo ahaayeen, waxaana goobta ka qaaday meydkooda ehelladooda oo saacado kadib lagu wargeliyay in la dilay.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in Haweenka haweenkan la dilay ay nadaafad ahaan uga shaqeenayeen Wasaarada Gaashaandhiga.

Maamulka degmada Deeyniiile ee gobolka Banaadir weli kama hadlin weerarka dilka iyo dhaawaca loogu geystay Haweenka, iyada oo lamaha amniga degmadaas ay wadaan howlgallo ay ku badi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.