Midowga Musharixiinta oo dalbaday in la baaro falkii lagu rasaaseeyay Imaamka Mudullood

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Hassan Sheikh Mohamud iyo qaar ka mid ah golaha Midowga Musharixiinta ayaa maanta hoygiisa ku booqday Imaam Maxamed Yusuf imaamka beesha mudulood oo shalay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta ay ku rasaaseeyeen agagaarka Maxkamadda sare ee dalka, xili uu kusii jeeday gurigiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la baaro falkii guracnaa ee lagu rasaaseeyay imaamka, isagoo xusay in wax la aqbali karo aysan aheyn beegsiga dhaqanka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in ay yihiin astaanta umaddeena.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hooygiisa ku booqday Imaamka Beesha Mudulood isaga oo ka raali geliyay rasaastii lagu furay gaarigii uu la socday.