Guddiga Farsamada Khilaafka Doorashada oo Shir uga furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta gaaray Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka kala socda dowladda Soomaliya, Dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir, waxana baydhabo uga furmay shir gogol xaar u ah shirka wadatashiga dowladda & dowlad Goboleedyada.

Kulanka ayaa xubnaha Guddiga farsamada uga hadlayaan waxyaabihii keenay fashilkii ku yimid Shirkii Dhuusamareeb4 , isla markaana uu rajeynayo in Madaxda ay qaadan doonaan waxyaabihii kasoo baxa shirkaas.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka ay si dhow ula socdaan xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya, iyaga oo damaanad qaad ka noqon doono wixii lagu heshiiyo.

Shirka wadatashiga dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta qorsuhu ahaa in uu furmo hayeeshee uu dib ugu dhacay sababo la xiriira in la sugayo qodobada kasoo baxa shirka Maanta ka furmay magaalada Baydhabo.