Madaxweyne laftagareen oo kulan la qaatay guddiyada uu shirka uga socdo Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran, kaas oo shir uu uga socdo magaalada Baydhabo.

Xubnaha Guddiayda oo ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda dowladda Federalka, dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida uu u socdo shirka.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,  ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamacayaa sheegay in Madaxweynaha xubnaha guddiga uu uga warbixiyay shirarkii doorashooyinka oo horay u qabsoomay, isla markaan dardaaran uu u jeediyay.

Xubnaha guddiga ayaa Maanta la filayaa inay sii wataan shirkooda, isla markaana ay kasoo saaraan qodobo ay ku heshiiyeen, si loogu gudbiyo Madaxda dowladda & Dowlad goboleedyada.