Midowga Afrika iyo QM oo War kasoo saaray khilaafka doorashada Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Qoraal ay soo saareen Moussa Faki iyo António Guterres ayaa waxaa lagu sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro qabsoomida doorashada dhaceysa, iyadoo la fulinayo heshiiskii 17-kii Sebtember lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalia inay dib u bilaaban wada-hadlo miradhal ah, ayna ka wada hadlaan khilaafka taagan, si looga gudbo caqabadaha iyo is marin waaga taagan.