Midowga Musharixiinta oo War Cusub kasoo saaray banaanbaxa Jimcaha

Iyada oo Maalinta jimcaha ay banaanbax iclaamiyeen Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay Musharixiinta markale baaq kasoo saareen banaanbaxaas.

Banaanbaxa oo ka dhacaya Barxada Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa Musharixiinta waxaa ay sheegeen inay ay iyaga horkici doonaan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa Shacabka Muqdisho waxaa uu ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxaas oo uu sheegay in uu yahay mid nabadeed.

Waxaa uu sheegay in ujeedka banaanbaxa uu yahay mid lagu doonayo xaquuqda dadka, isla markaana muhiim ay tahay in dalkaan aan la ogolaan in qof si sharci darro ah uu dalka ku joogo.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda uu uga digayo inay banaanbaxaas hor-istaagaan, waxaana uu Bulshada u sheegay in kaliya ay ra’yigooda ku cabiraan, kaas oo ah in muddo ay dhibaatooyin ku heysay dowladda welina aysan aqbaleyn in lagu sii haayo.