Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Koox Burcad ah

Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaas oo amniga lagu xaqiijinayay.

Howlgalka oo ay horkacayeen Guddoomiyaha degmada Wadajir & taliyaha Booliska degmada ayaa ahaa mid ay uga hortagayeen dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo dhalinyaro mararka qaar dadka dhac u geysta.

Ciidamada ayaa mid mid u baarayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxana mararka qaar ay baaritaano ku sameynayeen dadka wadooyinka degmada socda xilliga habeenkii.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ku qabteen lix dhalinyaro ah oo qaarkood isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa la sheegay inay dadka dhacayeen, waxaana la geeyay Saldhiga Booliska Wadajir si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Wadajir Gaashaanle Dhexe  Saciid Cali Maxamuud ayaa sheegay in sharciga la marsiin doono cid kasta oo lagu soo qabto, iyada oo faraha kula jirta waxyaabaha amniga lidi ku ah iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan magaalada Muqdisho in kastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.