Ciidamo iska soo horjeeda oo lagu arkay wadooyinka Muqdisho

Ciidamadda Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran oo lagu arkayo caawa isgoysyadda qaar ee Mavaalada Muqdisho.

Sababta rasmiga ah ee Ciidamadan loogu soo daadiyey wadooyinka iyadoo aan la ogayn ayaa warar madaxbanaani sheegayaan in ay sugi doonaan nabadgelyada wadooyinkaasi maadama uu beri Caasimadda ka dhici doono banaanbax ay Mucaaradku soo abaabuleen.

Dbinaca kale Ciidamo ka amar qaata Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka iyo xaafadaha qaar ee degmada Boondheere. Iyaga oo sidoo kale la wareegay Amniga taalada Daljirka Daahsoon.