Ciidamo uu wato Janeraal Indha-cadde oo la wareegay Daljirka Daahsoon

Ciidamo badan oo uu hogaaminayo Jaranal Indhacadde ayaa hadda la wareegay Xarunta Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Booondheere, halkaas oo uu ka dhacayo banaanbaxa musharixiinta.

Janeraal Indhacadde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay sugeen Amniga Taalada Daljirka, isaga oo sheegay in dalkaan wax dowlad ah kajirin.

“Banaanbaxa wuu dhacayaa, anagaana amniga sugeeyna. Ninka Madaxtooyada ku jiro cidna kama rabto inuu ciidan amniga sugo soo diro. Anagaa ka adag qof kasta. Ciidankaan waa ciidan Somaliyed”.

Indhacadde ayaa si rasmi ah ula wareegay Daljirka Daahsoon, waxaana weli wax war ah kasoo bixin dowladda Soomaaliya.