Guddoomiye Shuute oo u digay Saraakiisha Ciidamada

Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa uga digay Saraakiisha Ciidanka in ay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca degaanada maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Maxkamada Ciidanka ay si adag ula xisaabtami doonto cidwalba oo lagu helo in ay ka qeyb qaatay falal ka baxsan mida uu ogol yahay sharciga.

Waxaa uu sheegay in Maxkamada Ciidanka laga hirgaliyay degaanada maamulka Galmudug si loola xisaabtamo Saraakiisha.

Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay in aysan wali qaadin tilaabo loogu aargudayo Saraakiishii Ciidanka Galmudug ee Qaraxa lagu dilay.

Wafdiga Gudoomiyaha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida.